Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ka fuliyay aagga Janaale

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay tuulooyin hoos-tagga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gudaha u galay tuulooyinka Buulo Aluundi iyo Busleey, ka dib markii ay heleen xog ku aaddan in xubno ka tirsan Shabaabka ay halkaasi ku dhuumaaleysanayaan.

Saraakiisha Guutada 14-ka October ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay toddobo xubnood oo Shabaabka ka tirsanaa, ka dib markii ay isku dayeen inay dagaalamaan.

Saraakiishan oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa hawlgalkan ku sheegay mid looga hortaggayay dhagarta kooxaha nabadiidka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa 16-kii bishii March ee sanadkii hore dagaal kula wareegay gacanta ku haynta deegaankaasi.

Xaaladda amni ee Janaale oo muddooyinkii ugu dambeysay ka soo reynaysay ayaa waxaa bishii hore 5-teedii booqasho ku tagay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com