Dowladda Somaliya oo soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya

Dowladda Somaliya ayaa caawa ku dhawaaqday inay caadi ku soo celinayso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la laheyd Kenya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Somaliya ay dib u furan doonto Safaaradeeda Kenya.

Qoraalka ayaa Kenya loogu baaqay inay dib u furato Safaaradeeda Magaalada Muqdisho.

Kenya ayaa Khamiistii dib u fasaxday duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi, ka dib markii ay joojisay bishii May.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood ayaa muddooyinkii ugu dambeysayba xumaa.

Somaliya ayaa 29-kii bishii November ee sanadkii 2020 Safiirkii Kenya, Amb. Lucas Tumbo ku amartay inuu dib wadatashi ugu laabto dalkiisa, ka dib markii ay Kenya ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com