Faah faahin: Afar qof oo lagu kala dilay Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq

Afar qof oo rayid ahaa ayaa xalay lagu kala dilay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabduwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Kooxo hubeysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday goob lagu shaaho oo ku taala Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona ku baxsaday gaari nooca raaxada oo ay wateen.

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow), oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhacdadii xalay ay ku geeriyoodeen saddex qof oo rayid ah. Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkan ay ahaayeen ganacsato.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dhacdadaasi la xiririto aanooyinka xagga beelaha, isla-markaana ay aqoonsadeen kuwii falkaasi ka dambeeyay, ayna ku daba jooggaan.

Dhacdadan oo argagax ku abuurtay dadka deegaanka ayaa dhanka kale waxaa uu Gudoomiye Geeda-qarow sheegay inaanay dhacdadaasi oo kale wax u dhimi karin amniga magaalada.

Dhanka kale nin hubeysan ayaa Bartamaha Magaalada Caabudwaaq ku dilay nin la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha dhismaha guryaha.

Taliyaha Saldhigga Booliska Caabudwaaq, Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay inuu socdo baaritaan ku aaddan dilkaasi, faah faahintana ay dib ka soo sheegi doonaan.

Gobolada Dhexe ayaa waxaa ku soo noqnoqday aanooyinka qabaa’ilada iyo weliba dagaal beeleedyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com