Lafta-gareen oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood.

Kulankan oo Wakiilada Beesha Caalamka uu horkacayay Amb. James Swan, Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Saaxiibada Beesha Caalamka ee Somaliya, oo uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, James Swan. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Deegaanada Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Jimcihii shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com