Maxay ka wadhadleen Rooble iyo James Swan

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay hirgelinta doorashooyinka dalka, gurmadka fatahaadaha iyo xakameynta xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxmed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Somaliya, James Swan oo ay ka wadahadleen hirgelinta doorashooyinka, ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisal Wasaaraha, gurmadka dadkii ku waxyeeloobay fatahaadaha & xakameynta caabuqa COVID-19.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Wakiilada Caalamka ee dalka ayaa bogaadiyay qorshihii uu Madaxweyne Farmaajo 1-dii bishii May uu hirgelinta doorashooyinka ugu wareejiyay Ra’iisal Wasaarihiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com