Rooble, Qoorqoor & Guudlaawe oo la kulmay Safiirka Mareykanka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, arrimaha doorashooyinka ee dalka, dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo arrimaha bani’aadanimada.

Kulankan ayaa waxaa dib kaga soo biiray Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Somaliya, Donald Yamamoto oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal, arrimaha doorashooyinka dalka, la dagaalanka argagixisada Al Shabaab iyo arrimaha bani’aadanimada. Kulanka ayaa waxa dib uga soo biiray Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle.”

Saaxiibada Caalamka ee Somaliya ayaa bogaadiyay tallaabadii uu Madaxweyne Farmaajo 1-dii bishii May uu hirgelinta doorashooyinka ugu wareejiyay Ra’iisal Wasaare Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com