Deni oo la kulmay wafdi ka socday Hay’adda Laanqayrta Cas (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda ICRC.

Labada dhinac ayaa kulanka kaga wadahadlay arrimaha bani’aadanimo ee Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland oo kulankan lagaga hadlay ayaa u qornaa:-

“Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda Laanqayrta Cas ee ICRC, oo uu hogaaminayo Madaxa Hay’addaas u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Somaliland, Tim Filip Ros ayna ka mid yihiin Isku-duwaha Ammaanka Goobaha Shaqada & Maaraynta Dhibaatooyinka ee Somaliya, Cyril Juarena iyo Madaxa Xafiiska Hayádda ICRC ee Puntland, Axmed Siciid.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyay booqashadooda, wuxuuna ka dib ka dhageystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo, ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com