Iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu guddi u magacaabay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda Dowladda Federaalka tababarka ugu qaaday dalka Eritrea ayaa waxay waalidiintu muujinayaan inaanay ku qanacsanayn magacaabidda guddigaasi.
Waalidiinta qaarkood oo Khamiistii bannaanbax cabasho ah ka dhigay Magaalada Muqdisho ayaa haatan sheegaya inay wajahayaan walwal aan dhammaad lahayn.
Walaaca waalidiinta ayaa kordhay, ka dib markii ay soo baxday warbixinta Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ay ku sheegeen in ciidan Soomaaliyeed ka dagaalameen Gobolka Tigray.

Hooyo Foos Xasan oo ka mid ah waalidiinta ay ubadkooda ka maqan yihiin ayaa sheegtay in bishii January ee sanadkan ay ahayd markii ugu horeysay, oo ay is maqleen wiilkeeda, isagoo ku sugan dalkaasi Eritrea.
“Wiil ayaa iga maqan, wuxuu iga tagay sanadkii 2020, bishii 2aad 17-keeda, waxaana codkiisa iigu horeeyay sanadkan 2021, bishii 1aad, wuxuu iigu sheegay inuu jooggo Eritrea, koley dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, tumay, lana cadibay.” Ayay tiri hooyo Foos Xasan oo intaa ku dartay “Dhowr mar ayuu ila soo hadlay, laakiin mar walbaba iima soo sheego wax faa’iido ah oo hadda soo socoto. Ilaahay (SWT) mooyee cid kaloo bani’aadam ah oo sugeyno oo noo doodeyso ma hayno ayuu dhahay, dhibaato aad u badan ayay sheegteen.”
Hooyo Foos ayaa rajo beel ka muujisay guddigii uu Ra’iisal Wasaare Rooble 12-kii bishan u magacaabay arrinta ku aaddan cabashada waalidiinta.
Waxayna tiri “Waxaan dhihi lahaa Ra’iisal Wasaaraha wax uusan samayn karin yuusan duudka saaraninee, arrintaas guddiga iyadoo loo dirin, si toos ah haddii uu wax noo qaban rabo ha u aado Eritrea ee warbixin cad hanaga soo siiyo, isagaa hadda meesha u xil saaranee.”
Waxay hadalkeeda ku soo gunaanuday “Guddigan hadda waa la dooranaa la leeyahay, aniga aslanbo ma u haayo inay wax rajo ah inoo hayaan, waxaan u maleeyaa inay noo carab laalaadinayaan ay is leeyihiin ha aamusaan.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com