Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukun dil ah ku xukuntay 17 nin

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay 17 nin, oo ku eedeysan inay dilal iyo qaraxyaba ka gaysteen deegaanada Puntland.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa horey eedeysaneyaasha ugu xukuntay dil toogasho oo rafcaan ay ka qaateen. Maxkamadda Sare ayaana xukunkii hore ku raacday Maxkamadda Darajada 1aad.

Nin kale oo gal dacwadeedka ku wehlinayay raggan oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Raggan lagu xukumay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayuu Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolada Mudug iyo Cayn uu ku soo eedeeyay in 13-kii sano ee ugu dambeysay ay illaa saddex boqol oo qof ku dileen deegaanada Puntland, kuwaa oo intooda badan ay ku dileen Magaalada Gaalkacyo.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn, Maxamuud Faarax Maxamuud ayaa Garsoorka Maxkamadda ka codsaday in raggan dil toogasho ah lagu fuliyo.

Qareenadii difaacayay eedeysaneyaasha ayaa ka difaacay eedeymaha uu soo jeediyay Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda, iyagoona sheegay inay barri ka yihiin eedeymahaasi.

Guddomiyaha Maxkamadda Ciidamada, Sareeyo Guuto Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday eedeysaneyaasha.

Waa eedeysaneyaashii ugu badnaa ee mar qura xukun dil ahi ku xukunto maxkamad ku taala Puntland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com