Rooble oo booqday dhalinyaradii ku dhaawacmay qaraxa (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Isbitaalka Madiina ku booqday dhalinyaradii ku dhaawacmay ismiidaamintii maanta ka dhacday Xerada General Dhega-badan ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhalinyaradan, iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladooda dhakhaatiirta dabiibeysa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta, sidii ay u heli lahaayen daryeel caafimaad oo dhameystiran.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo ku wehliyay kormerkan Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhalinyarada Soomaaliyeed, ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisal Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan argagixisada, aysana ka hor istaagi karin falalkan fuleynimada ah ee cadowgu ay soo maleygayaan ka miro dhalinta hiigsigooda ciidan iyo xoreynta dalka.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, maantana la jooggo xilligii loo midoobi lahaa, si looga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dhalinyaradii ku dhimatay qaraxaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com