Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Xerada Tababarka General Dhega-badan ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in Dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageeradeeda ku aaddan Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Qoraalka ayaa u qornaa “Waxaan si adag u cambaareynaynaa weerarkii argagixiso ee bahalnimada ahaa ee lala beegsaday dhalinyaro dooneysay inay ka mid noqdaan Ciidanka Soomaaliyeed maanta oo 15-ka June ka dhacay Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku naf waayeen 11 arday ah.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dowladda aan walaalaha iyo saaxiibada nahay iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaana Alle uga baryeynaa naxariis intii ku naf waayay weerarka, intii ku dhaawacantayna ay si deg-deg ah uga soo bogsadaan.
Dowladda Turkiga waxay sii wadi doontaa sida ay uga go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com