Galmudug oo maanta magacaabi doonto Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka

Maamulka Galmudug ayaa ku hawlan magacaabidda xubnaha uga midka noqonaya Guddiyada Doorashooyinka Qaranka ee laga suggayo.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo xalay khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ugu yeeray inuu soo gudbiyo liiska xubnaha ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka, iyadoona uu Qoorqoor xaqiijiyay inuu soo gudbin doono liiska xubnaha.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa saaka sheegay in saacadaha soo socda ay Galmudug soo gudbin doonto Xubnaha Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

“Waxaan hubaa in subaxnimadan la maqli doono xubnaha, wax khilaaf ama dhib ahna ma jirin ee sababta waxaa weeyaan xilligii xubnahaasi la soo celinayay Madaxweynaha, dalka dibadda ayuu uga maqnaa oo Turkiga ayuu jiray, habeen hore ayuu soo laabtay, markiina wuu noo sheegay saacadaha soo socda in la magacaabi doono.” Ayuu yiri Wasiir Falagle oo VOA la hadlay.

Xubnaha Galmudug laga suggayo ayaa ah kuwii cabashada laga keenay ee toddobaadkii hore ay bedeleen Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Ra’iisal Wasaare Rooble uu magacaabay.

Warbaahinta Qaranka ayaa Arbacadii sheegtay in inta badan Dowlad Goboleedyada ay soo gudbiyeen Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka, isla-markaana ay ku harsan yihiin Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com