Galmudug oo soo gudbisay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha laga bedelay Guddigii Doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

Xubnaha la soo bedelay ayaa ah afar xubnood oo ku jira Guddiyada Doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo xubin ah Xallinta Khilaafaadka.

Xubnaha Guddiga SEIT

1- Yaxye Cismaan Geeddi

2- Mahad Cabdullaahi Maxamuud

3- Xaawo Aadan Yare Culusow

Guddiga Xalinta Khilaafaadka

1- Ayaan Cabdiraxmaan Maxamuud

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com