Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay Safiirka Ingiriiska (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Marwo Kate Foster.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xoojinta tayeynta & tababarka ciidamada iyo mashaariicda horumarineed ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Somaliya, Kate Foster.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta tayeynta iyo tababarka ciidanka iyo horumarinta mashariicda ee deeganada Koonfur Galbeed.”

Ingiriiska ayaa waa dalka ugu weyn ee Maamulka Koonfur Galbeed ka taageera tababarada ciidamada iyo tayeyntooduba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com