Norway oo sheegtay inay dib u furaneyso Safaaradeedii Somaliya (SAWIRRO)

Safiirka Norway ee Somaliya, Marwo Elin Bergithe Rognlie ayaa u sheegtay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, Balal Maxamed Cismaan in Dowladda Norway ay dib u furaneyso Safaaradeedii Somaliya.

Danjiraha Norway ayaa bidhaamisay inay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogto ah, oo ay ku yeeshaan Caasimadda Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo gelinkii dambe ee Arbacadii Danjiraha Norway ku qaabilay Magaalada Muqdisho ayaa waxay kaloo u sheegtay in Agaasinka Socdaalka Norway uu aqoonsaday Basaboorka Somaliya.

Balal Maxamed Cismaan ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay Norway ku aqoonsatay basaboorka dalka, dibna ugu furaneyso Safaaradeedii Muqdisho, isagoona xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga istiraatiijiyadeed, si loo gaaro dano wadaagga labada dal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com