Wasiir Xaaji oo kormeeray Taliska Qaybta 60aad (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo Arbacadii gaaray Magaalada Baydhabo, si uu uga qaybgalo munaasabad tababar loogu soo xirayay Dufcaddii 6aad ee lagu tababaro Dugsiga Tababarka Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gelinkii dambe waxa uu kormeeray Xarunta Taliska Qaybta 60aad.

Wasiirka oo uu wehlinayay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabaas Amiin Cali ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xogga Dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciiro).

Wasiirka iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo kormeeray qaybaha kala duwan ee Hoggaanka Taliska Qaybta uu ku shaqeeyo.

Taliyaha Qaybta 60aad oo xarunta uga waramayay masuuliyiintaasi ayaa sheegay in is bedel muuqdo uu ka sameeyay qaybaha kala duwan ee Taliska Qaybta 60aad, isagoona warbixin ka siiyay halka uu marayo hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka ee ka socdo deegaanada Koonfur Galbeed.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Wasiirku uu bogaadiyay horumarka ballaaran ee Taliska Qaybta 60aad uu ku tallaabsaday, isla-markaana uu ammaanay sida ay uga go’an tahay ciribtirka cadowga.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Wasiir Xaaji uu ballanqaaday inay wasaaraddu sii laba jibaari doonto tayeynta, qalabeynta tababarada iyo horumarinta ciidanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com