Wararkii ugu dambeeyay weerar ismiidaamin oo ka dhacay Biyo-cadde

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay afaafka hore saldhig ciidan, oo ku yaala deegaanka Biyo-cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee saldhigaasi, oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda.

Ururka Al Shabaab oo masuuliyadda weerarkaasi sheegtay ayaa qoraal ku sheegay in 10 askari lagu dilay, laguna dhaawacay Korneyl Saney Cabdulle Gaab, Taliyaha Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa beeniyay in askar ka tirsan Ciidamada Dowladda lagu dilay weerarkaasi, isagoo taasi bedelkeedana sheegay inay ciidamadu hayeen xogta gaarigaasi, isla-markaana ay kaga hortaggeen bannaanka kore ee saldhigaasi.

Ilo wareedyo ayaase sheegaya in weerarkaasi uu sameeyay saldhigaasi, isla-markaana uu dhaawac fudud ka soo gaaray Korneyl Saney Cabdulle.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in afar askari oo kale ay ku dhinteen weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay Biyo-cadde.

Taliska Ciidanka AMISOM ayaan iyagu ka hadlin weerarka ka dhacay deegaankaasi, bacdamaa ay xero militari ku leeyihiin Militariga Burundi ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah oo ka dhaca deegaanka Biyo-cadde, oo qiyaastii 45km dhanka bari kaga beegan Magaalada Jowhar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com