Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug, kan degmada iyo qaybaha bulshada ayaa wafdiga Wasiirka si weyn ugu soo dhaweeyay magaaladaasi.
Wasiirka oo dhexgalay dadkii soo dhaweynayay ayaa la arkayay, isagoo mid mid u gacanqaadaya qaarkood.
Alcadaala oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Alcadaala ayaa sheegay muddada uu ku sugan yahay magaalada inuu kulamo la qaadan doono masuuliyiinta, odayaasha, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada, isla-markaana uu kala hadli doono, sidii bulshada iyo dowladda isaga kaashan lahaayen ammaanka iyo weliba horumarka dalka.
















Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com