Danjirihii Kenya oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Safiirka Kenya ee Somaliya Amb. Lucas Tumbo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo la fulinayo heshiiska labada dowladood ee lagu soo celinayo xiriirka labada dal.

Dowladda Somaliya ayaa 27-kii bishii November Safiirka Kenya ku wargelisay inuu dib wadatashi ugu laabto dalkiisa, iyadoona u yeeratay Safiirkeedii Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Somaliya ayaana sababta ku sheegtay Kenya oo fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa 15-kii bishii December ku dhawaaqay in Xukuumadda Muqdisho ay si rasmi ah xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay Nairobi.

“Dowladda Federaalka Somaliya iyadoo ka duuleysa madaxbannaanideeda qaran, ee uu damaanad qaadayo xeerka iyo qaynuunka caalamiga ah, gudaneysana waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasiloonida dalka waxaa ay go’aansatay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya.” Ayuu yiri Dubbe.

Wax kasta waxay is bedeleen markii Dowladda Somaliya ay 12-kii bishan iclaamisay inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed, ee ay Kenya la laheyd. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay inay Somaliya dib u furaneyso Safaaradeedii Nairobi, iyadoona Kenya ugu baaqday inay dib u furato Safaaradeedii Muqdisho.

Kenya ayaa 14-kii bishan xaqiijisay inay dib u furan doonto Safaaradeedii Somaliya, ka dib qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Qoraalka ayaa loogu baaqay Danjirihii Somaliya ee Kenya inuu dib ugu soo laabto Magaalada Nairobi, si shaqadii Safaaradda uu dib u bilaabo.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood ayaa haatan u muuqdo mid soo hagaagaya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com