Gudoomiyaha Guddigii Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka oo hadlay

Gudoomiyaha Guddigii Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ahna Wasiirka Waxbarashada Somaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sharaxaad ka bixiyay shaqadii guddiga ee kala shaan-dheynta xubnaha cabashada laga keenay, isagoo sheegay in guddiyada laga saaray 40 xubnood, laguna badelay kuwo cusub.

Gudoomiyaha ayaa xusay in guddiga uu maanta saxiixay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay noqon doonaan guddi dhex dhexaad ah, oo aan ku shaqayn doonin eex iyo nin jecleysi, isagoo ka cudur daartay in haddii ay jiraan dad si khaldan looga saaray guddiga ama aan la arkin.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu dalka u dareerayo doorasho, isla markaana uu ka rajeynayo dhinacyada siyaasadeed ee dalka inay soo dhawayn doonaan.

Guddigan ayaa caawa lagu magacaabay wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com