Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay dhalinta Waajid (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo caawa ku hooyana Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa la kulmay dhalinta deegaanka.

Madaxweynaha oo maanta gaaray degmadaasi ayaa dhalinyarada ka xog-wareystay xaaladooda nololeed iyo tan amni ee degmada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta Xarunta Hanuuninta ee Degmada Waajid ka sheegay inuu u yimid degmadaasi u kuurgelidda xaaladda nololeed ee bulshada iyo inuu kaga qaybgalo caleemo-saarka Gudoomiyaha Degmada Waajid, oo bishii April ay doorteen Golaha Deegaanka ee Waajid.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo xiriir ah oo Madaxweynuhu sheegay inuu la yeelan doono dadka deegaanka, muddada uu booqashada kula jooggo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com