Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo booqasho ku joogga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa la kulmay Saraakiisha laamaha amniga, Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada.
Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Madaxweynuhu ka degan yahay degmadaasi ayuu Madaxweynuhu warbixin kaga dhageystay Saraakiisha hay’adaha ammaanka.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in kulanka si dhow looga hadlay xaaladda amni ee degmada iyo qorshaha socda ee dib loogu furayo wadooyinka soo gala degmadaasi.
Xilli xaalad adag oo dhanka nolosha ay ka jirto Degmada Waajid, kana dhalatay go’doominta daran ee maleeshiyada Al Shabaab ku hayaan ayaa Madaxweyne Lafta-gareen uu sheegay in dhawaan uu bilaaban doono hawlgal dib loogu furayo wadooyinka.
Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Cadaaladda Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag iyo Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xogga Dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciiro), kuwaa oo dhammaantood ka mid ah wafdigii Madaxweynaha ee Sabtidii gaaray degmadaasi.






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com