Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda oo Muqdisho ku kulmay

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa maanta ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Cabdixakiin Xasan Ashkir oo shir guddoominayay shirka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo iska warqabka wasaaradaha dhexdooda, xilligan uu dalku doorasho gelayo.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay, sidii Agaasimeyaasha ay u sameysan lahaayen gole soo abaabula shir ay bishiiba mar yeeshaan, oo ay kaga wadahadlayaan howlaha shaqo ee wasaaradaha iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada dowladda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com