Dagaal culus oo ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe

Taliska Militariga Somaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaalka culus ee tan iyo shalay ka socdo deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimd, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgal ugu dhaqaaqeen hawdka deegaanada Cali Fooldheere, Quracmadoobe iyo Waraxleey.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cali Xaashi Caddow oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisu uu weli ka socdo keymaha dhaca deegaanadaasi.

“Shalay iyo maanta dagaalka xoogiisa waxaa uu ka socdaa Waraxleey, Cali Fooldheere iyo Quracmadoobe. Keymaha ayaa leeskula jiraa.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Shalay waxaa dagaalka la adeegsaday duqayn, maadaama dhulkaas uu yahay dhul hawd ah, waro waaweyn ay ku yaallaan.”

Waxaa uu sheegay in dadka deegaanka looga digay inay isaga fogaadaan dhulkaasi iyo goobaha ay fariisimaha ku leeyihiin maleeshiyad Al Shabaab.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saddex illaa afar maalmood wuxuu uga digay dadka beeraleyda iyo dadka deegaankaas ka ag-dhow in ay isaga fogaadaan deegaanadaas iyo goobaha ay Shabaab degan yihiin.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Korneyl Cali Xaashi Caddow ayaa sheegaya in duqayntii shalay lagu dilay 17 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo meydadkooda la arkay, markii ay duqayntaasi joogsatay, sida uu yiri.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaa jira dhaawacyo ay jiiteen oo raadkoodii iyo dhiigoodii uu ku jiro, waana lagu hareereysan yahay. Dagaal saddex geesood ah ayaa ku socda.”

Korneyl Caddow ayaa intaa ku daray “Dagaalku waa dagaal xoog weyn, waxaa ku jira Guutooyinka 3aad & 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Kumaandooska Gorgor iyo Booliska Hirshabelle, ciidan loo barbar-dhigi karo maaha.”

Hawlgalka Gobolka Shabellaha Dhexe oo bil jirsaday ayaa waxaa hoggaaminaya General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com