Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Gedo oo lagu xanibay Muqdisho

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo gobolkaasi ka soo jeeda ay ku xaniban yihiin Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Kullane ku eedeeyay inuu ka hor istaagay in ay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde.

“Waxaan ku xayiranahay magaalo madaxda Muqdisho, keligeena maaha waa masuuliyiintii iyo intii dhammaan ka soo jeeday Gobolka Gedo. Waa siyaasiyiintii, odayaashii iyo dadkii waxgaradka ahaa ee gobolka ka soo jeeday.” Ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo la hadlay BBC.

“Dhammaan waxaa na lagu hortaagan yahay Garoonka Aadan Cadde.” Ayuu yiri isagoo intaa ku daray “Saraakiisha hoggaamineyso NISA ayaa nagu hortaagan. Nin la yiraahdo Cabdullaahi Kullane ayaa meesha nagu hortaagan.”

Sababta loo hor istaagay oo la weydiiyay ayaa ku jawaabay “Dadkaa waxa loo celinayo waa in dalkii doorasho u socdo, oo aysan wax dooranin, sida dhammaanteen aan is tusnay Xildhibaanada inaanan la dooranin. Dadku waxgarad weeye, waxaa loo socdaa dhammaan in deegaanada laga soo doorto Xildhibaanada. Waxaa socdo Xildhibaanadii ka soo jeeday gobolka, Odayaashii Dhaqanka, Siyaasiyiintii, Wariye-yaashii iyo hooyooyinkii, oo u socdo gobolkii.”

Macalimuu ayaa yiri “Taliye Kuxigeenka NISA, Cabdullaahi Kullane ayaa wuxuu go’aansaday inuu ku celiyo dadka Garoonka Aadan Cadde, arrintaasina sax maaha, mana suurtagelayso. Haddaan nahay siyaasiyiintii waxaan diyaar u nahay arrintaasi inaan si dhab ah ugu istaagno, ugana hadalno.”

“Waxaa Muqdisho iigu yeeray Madaxweynihii dalka Somaliya u sareeyay iyo nin Xaashi la yiraahdo, waxaan imid Muqdisho ayaga dartood ayaan u imaaday, waxaana ku xayiranahay sagaal bilood oo berri ama berri damaa baxeysaa la leeyahay, anna inaan hotel iska jiifo sax maaha. Markaan imidna talooyinkii koobaad ee la ii soo jeediyay waxaa ka mid ahaa dalka dibadiisa inaan isbitaal u aado, anigana maahi nin xanuunsan, isbitaal wax aan ka raadinayana haddee ma jiraan.” Ayuu yiri Macalimuu.

Macalimuu ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada inuu qorsheynayo xaalad amni oo uu ka abuuro Gobolka Gedo, marka uu dib ugu laabto, sidaasina loo maleynayo inay dowladdu ugu diidan yahay inuu xilligan dib ugu laabto gobolkaasi.

“Gobolka Gedo waan u dhashay, meel aan colaad u quuro maaha, haddii aan colaad gelinayana anoo la i soo khasbin, ciidan-na uusan i soo qaadin oo aanan xirnayn oo ciidan wataa diyaarad ka soo raacay, haddaan wax khasayo ama aan rabo inaan colaad geliyo anoo xilka la’iga qaadaa dagaalami lahaa, anigana inaan ku dagaalamo Gobolka Gedo diyaar uma ihi, waxaan u diyaarsanahay dowlad kasta oo shaqaynayso inaan ku garab istaago.” Ayuu yiri Macalimuu oo intaasi raaciyay “Maalintii la i bedelay illaa iyo hadda dowladda waan la shaqaynayay, waana garab taagnaa.”

Taliska Hay’adda NISA ayaan ka jawaabin eedeyntan ugu dambeysay ee kaga timid Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu), Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com