Rooble oo shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir isugu yeeray shir 26-ka bishan ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa looga arrinsanaya wixii ka qabsoomay heshiiskii ay dhincyadu 27-kii bishii hore ee May ku gaareen Xerada Afisyooni ee Caasimadda Muqdisho.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqdisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka, tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardargelinta shaqooyinka harsan.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com