Shirka Khariiradeynta Khilaafyada Deg. Gobolka Banaadir oo soo geba-gaboobay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Dib-u-heshiisiinta Dalka ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo xirtay shir looga hadlayay Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Shirkaan oo Muddo Saddax maalin ah soconaayay ayaa  looga hadlay Xog ururin ku saabsan Khilaafyada kajira Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Shirka oo ay si wadajir ah ay usoo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qaybgalay Mas’uuliyiin kasocday Maamulka Gobalka, qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Ururada Bulshada Rayid, Ururada Haweenka iyo Qaar ka mid ah Dhallinyarada kala socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com