Al Shabaab oo toogatay nin dilay hooyadii iyo walaalkii

Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaala deegaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan ku toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu gowracay hooyadii iyo walaalkii.

Boqolaal qof ayaa la isugu keenay fagaaraha uu xukunka ka dhacay, ka dib markii gaadiid cod-baahiyeyaal lagu soo xiray ay dadka deegaanka ugu yeereen inay fagaarahaasi isugu soo baxaan.

Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa baahisay in Maxamed Calasow Cabdi uu gowracay hooyadii Xaliimo Cismaan Cumar oo 72 jir ahayd iyo walaalkii Macalin Maxamuud Calasow Cabdi.

Andalus waxay kaloo sheegtay in dadka deegaanka ay ka argagaxeen tallaabada uu ninkaasi ku dilay hooyadii iyo walaalkiiba.

Xaakimka Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ninkaasi uu maxkamadda ka hor qirtay eedeymihii lagu soo oogay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com