Wasiir Xaaji oo tababar u soo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray Shaqaalaha Wasaaradda.

Tababarka oo socday shan maalmood ayaa ahaa mid sare loogu qaadayay Xirfadda Shaqaalaha iyo Wada-shaqaynta Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha & Tababarada Wasaaradda, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo ugu horayn munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay shaqaalaha ka faa’iideysteen tababarkaasi, muddadii uu socday.

Cali Aadan Xasan, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Wasaaradda oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Hoggaanka Wasaaradda Gaashaandhigga ay suurtageliyeen tababarkan.

Wasiirka Gaashaandhigga oo tababarkaasi soo xiray ayaa sheegay inay ka go’an tahay horumarinta & tayeynta Shaqaalaha Wasaaradda. Wasiirka ayaa Shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay in tababarkii ay ka faa’iideysteen ugu adeegaan bulshadooda.

Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Siciid Samatar (Gacaliye) iyo xubno kale oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqa, Abukaate Maxamed Xuseen Xaamud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com