Dagaalka Gobolka Shabellaha Dhexe oo culeys ku keenay Degmada Raage Ceelle

Hawlgalka muddada bilka ah ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe ee ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay ka dhalatay xaalad bani’aadanimo.

Hawlgalkan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ah mid Shabaabka looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Deegaanada ay hawlgaladu ka socdaan, mararka qaarkoodna ay dhinacyadu ku dagaalamayaan ayaa waxaa ka mid ah deegaano dhaca Bariga Degmada Raage Ceelle, iyadoona ay degmadaasi soo gaareen qoysas fara-badan oo dagaaladaasi ka soo cararay.

Gudoomiyaha Degmada Raage Ceelle ayaa sheegay inkastoo ay xor yihiin degmadaasi iyo deegaanada hoos-tagga in ay haddana arrintaasi ka dhalatay xaalad bani’aadanimo.

“Degmada iyo deegaanada hoos-tagga hadda waa wada xor oo cadowgii waa laga sifeeyay, laakiin waxaa ka dhashay dhibaatooyin fara-badan. Barakac ayaa ka dhashay, dadkii way barakaceen, tuulooyinkii xitaa Jowhar iyo Mahadaay hoos-taggayay waxay ku soo dul qaxeen Degmada Raage Ceelle, marka xaaladaas uun baa ka jirtee, amnigeedu waa boqolkiiba boqol.” Ayuu yiri Cumar Cali Nuur, Gudoomiyaha Degmada Raage Ceelle.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Xaalad bani’aadanimo oo aad u baahsan ayaa ka dhalatay, tuulooyin illaa labaatameeyo gaarayo ayaa laga soo barakacay, culeyskaasna degmadii ayuu soo fuulay, mana qaadi karto degmada, oo waxaa ku sugan dad soo barakacay oo aad u fara-badan. Kuwo kale oo sanado aan heynay oo horey ugu sugnaa oo waxaa jiray ka soo barakacay tuulada Burdheere oo ka tirsan Degmada Cadale, oo dagaalo ahli ah oo ka dhacay ka soo barakacay, kuwaan ayaa noogu sii darsoomay oo kumanaan ah. Aad iyo aad waxaa ka jirtaa la dhihi karaa xaalad bani’aadanimo.”

Gudoomiyaha oo la hadlay VOA ayaa sheegaya in uu xadidan yahay khasaaraha nafeed ee dadka rayidka ka soo gaaray dagaalka.

“Nasiib wanaag khasaaro shacab ma dhicin oo wuu yar yahay, laba wiil oo dhaawac ah ayaan maqlay oo keliya, maxaa yeelay qolooyinkan nabadiidka ah ayagaa marka hore dadka iska dhex saaray oo dhaheen naga dhex baxa, oo dadka deegaanadoodii inta uusan dagaalka bilaabanba bay ka barakiciyeen, si ay hantidoodii iyo xoolahooda u boobaan, marka dagaalka markuu dhacay khasaarihii shacabka wuu yaraaday.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cali Xaashi Caddow ayaa dhawaan sheegay in hawlgalku sii socon doono, illaa iyo inta laga soo afjarayo maleeshiyada Al Shabaab ee gobolkaasi ku sugan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com