Ilaalada Xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay markab kalluumeysi (SAWIRRO)

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii gacanta ku dhigay markab kalluumeysi, oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay meel u dhow Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Markabkan ayaa waxaa la socday 10 badmaax, sida ay sheegeen Saraakiisha Puntland, inkastoo aanay shaacin dalalka ay u kala dhasheen.

Kalluumeysatan ayaa lagu wadaa in lagu maxkamadeeyo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Puntland ayaa marar badan maxkamadeysay kalluumeysato shisheeye, oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com