Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa saxiixay siyaasadda horumarinta ee haweenka ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida iyo Xafiiska Wasaaradda Gaashaandhigga.
Waaxda Xuquuqul Insaanka Jinsiga & Ka Hortagga Askareynta Carruurta, oo kaashaneysa khubaro iyo Xafiiska Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa soo diyaariyay habraacan.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale saxiixay habraaca dib-u-howlgelinta Polizia Militare, oo muhiim u ah dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.
Xeerka Polizia Militare ayaa waxaa iska kaashaday oo soo diyaariyay Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, sida uu horaanba xaqiijiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute).
“Waxaan diyaarinay anagoo kaashaneyno Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka xeerkii ama habraacii ay ku shaqayn lahaayen Ciidamada Militariga Booliska ama Polizia Militare, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in ay fuliyaan amarada maxkamaduhu ay soo saaraan, lana xiriira dadka hubeysan ee la soo qaban waayay inay soo qabtaan. Sanadkan waxaan gacanta ku haynaa oo geba-gabo ah habraacyadii ay ku shaqayn lahaayen ciidamadaasi. Ciidamadaas oo aad ogtihiin in muhiimadeeda iyo baahida loo qabo ay muuqato xilligan la jooggo.” Ayuu yiri Shuute oo ka hadlayay Shir-sannadeedka Garsoorka Dalka, oo bishii January lagu qabtay Magaalada Muqdisho.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com