Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku wajahan Muqdisho

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa lagu wadaa inay gaaraan Magaalada Muqdisho, halkaasoo Sabtida la qorsheynayo in uu ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Magaalooyinka Garoowe, Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Kismaayo ayaa waxaa ka socdo qaban-qaabada lagu soo amba-bixinayo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, inkastoo Madaxweynaha Jubbaland ay suurtagal tahay inuu maanta dib uga dhaco safarkiisa Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabelle oo safar ugu maqan dalka Turkiga ayaan la ogayn goorta uu safarkiisa Muqdisho ku muddeysan yahay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Talaadadii shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo looga arrinsanayo wixii ka qabsoomay heshiiskii ay dhincyadu 27-kii bishii May ku gaareen Xerada Afisyooni.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com