Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay dad isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, odayaal, waxgarad, dhalinyaro iyo haween.
Madaxweynaha ayaa Muqdisho u yimid shirkii uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran, ee looga arrinsanayo wixii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii May.
Shirkan uu Ra’iisal Wasaaruhu ku baaqay ayuu qorshuhu yahay in Sabtida uu ka furmo Caasimadda Muqdisho.

















Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com