Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafiga Madaxweynaha Galmudug ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, iyadoo daqiiqado ka dibna loo kaxeeyay hoolka martida ee garoonka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Muqdisho u yimid shirkii uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkan ayay R’iisal Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyha Gobolka Banaadir kaga arrisan doonaan, wixii ka qabsoomay heshiiskii May 27.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com