Madaxweynaha Puntland oo yimid Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay dad isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgelaya shirka uu Ra’iisal Wasaare Rooble isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayay madaxda kaga arrinsanayan waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii May ay ku gaareen Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com