Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taalada Dhagax-tuur (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobonimo doonka ee dalka ayaa ubax dhigay Taalada Dhagax-tuur ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo xusay halgankii adkaa ee loo soo maray madax-bannaanida Dalka ayaa tilmaamay in Taalada Dhadax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada, waxa uuna dul istaagay caqabadihii ay la kulmeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee inoo horseeday xorriyadda, qarannimada iyo gobannimada dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taalada Dhagax-tuur waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si mug leh u maamuusayey halyeeyadii u shahiiday gobonimadeena.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com