Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Degmada Doolow

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa qarax Maqrinimadii ka dhacay maqaaxi ku taala Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Maqaaxidan oo bunka lagu cabo, kuna taala agagaarka Hotel Daldhis ayaa waxaa iska leh haweeney Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Khonjoo, waana maqaaxi ay inta badan dadka deegaanka ku qaxweeyaan.

“Maqaayadan waa maqaayad caan ah oo ku dhow Xarunta Laanta Socdaalka oo ku taala nawaaxiga Buundada Doolow. Qaraxa waxa uu yahay ma sheegi karno, laakiin waxaa jiro war sheegaya in maqaayadda lagu dhex aasay.” Ayuu yiri Maxamed Caddow oo ka mid ah dadka deegaanka.

Waxa uu kaloo uu yiri “Aniga waxaan arkay dhaawaca toddobo qof oo mid ay gabar tahay, xaaladeedana ay aad u liidato.”

Maxamed Caddow ayaa sheegay inaanay garanayn sababta loo beegsaday maqaayadan, oo sida uu sheegay ay fariisan jireen qaybaha kala duwan ee bulshada.

“Qaraxyadan way nagu cusub yihiin, ma sheegi karno sababta loo qarxiyay maqaayadan oo bunka lagu cabi jiray. Odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada iyo shaqaalaha hay’adaha u shaqeeyo oo dhan ayaa bunka u soo doonan jiray.” Ayuu yiri Caddow.

Saraakiisha laamaha amniga, Maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada ayaan weli ka hadlin qaraxan ka dhacay degmadaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyadiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com