Xoogaga Danab oo hawlgal ka sameeyay Shabellaha Hoose (SAWIRRO)

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa maanta hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Kumaandooska Danab oo gacan ka helaya Guutada &aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalka ka sameeyay deegaanada Yaqdhuubo, Dibilay, Bocoray, Hakow Balow, Warta Macalin Shabax, Warta Ciise, Caliyow Baarow iyo Baynanay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

“Ururka 4aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab iyo Ururka 64aad, Guutada 7aad ee Qaybta 60aad ee Xoogga Dalka ayaa waxay hawlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano ay ka mid yihiin Yaqdhuubo, Dibilay, Bocoray, Hakow Balow, Warta Macalin Shabax, Warta Ciise, Caliyow Baarow iyo Baynanay oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Hawlgalka ujeedkiisu wuxuu ahaa xaqiijinta amniga iyo kahortagga dhagarta argagixisada Al Shabaab. Intii hawlgalka uu socday Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee haysata dadka deegaanada ay hawlgalka ka wadeen, kuwaasi oo xoolahoodii ay dhaceen Al Shabaab.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com