Puntland oo fagaare ku toogatay kow iyo labaatan nin oo Shabaab ahaa

Maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyay kow iyo labaatan nin, oo lagu helay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab, dilal iyo qaraxyana ay ka gaysteen deegaanada Puntland.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku xukuntay raggaasi, xukunkaas oo maanta lagu fuliyay.

Sideed iyo toban ka mid ah raggaasi ayaa lagu toogtay Magaalada Gaalkacyo, halka saddexda kalena lagu kala toogtay Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho.

Waa toogashadii ugu badneyd oo mar qura ay Puntland ku fuliso xubno lagu helay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com