Shaxda diiwaangelinta laga sameeyay Degmooyinka Eyl, Ufayn iyo Qardho

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa caawa soo bandhigay xogta ku aaddan inta qof ee isu diiwaangelisay doorashada qof iyo cod, diiwaangelinta laga sameeyay Degmooyinka Eyl, Ufayn iyo Qardho.

Guddiga Doorashooyinka ayaa bishii May bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxayna degmooyinkan noqdeen kuwii ugu horeeyay ee diiwaangelinta laga sameeyo.

Shaxda Guddiga Doorashooyinka waxaa ku cad in 48,353 qof ay isu diiwaangeliyeen doorashada qof iyo cod ee heer deegaan ee la filayo inay ka dhacdo Puntland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com