Ka dib dagaalkii faraha looga gubtay ee Axaddii shalay ka dhacay deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug ayaa waxay dadka deegaanka bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda, sababo ku aaddan iyagoo ka baqdin qaba in mar kale ay Shabaabku soo weeraraan.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku weeraray Xerada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana xigay dagaal socday dhowr saacadood oo xiriir ah.
Dadka deegaanka oo u badan Xerta Ahlu Sunna Waljameeca oo ku badan deegaankaasi ayaa gacan weyn ka gaystay dagaalkii dib loogu caabiyay Shabaabka. Deegaankan ayaa muhim u ah isu socodka Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha.
Inta laga warqabo waxaa dagaalka ku dhintay kow iyo soddon qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.
Dadkii qabay dhaawacyada daran ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaadeed lagula tacaalo.

Dadka rayidka ah ee isaga barakacay deegaanka Wisil ayaa gaaray deegaanada ku dhow dhow deegaankaasi, si ay u qiimeeyaan xaaladda, intii maalmo ah.
Dadka reer Wisil waxay kuu sheegayaan inaanay guryahooda ka barakicin, soddonkii sano ee la soo dhaafay.
Waa weerarkii ugu horeeyay oo Shabaabku ku qaadaan Wisil, xilli sanad iyo afar bilood uu Maamulkii Ahlu Sunna ka maqan yahay Gobolada Dhexe, waana xilli ay goboladaasi ku soo badanayaan weerarada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com