Macalimuu “Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu ka garaabay cabashadii Hirshabelle”

Madaxweynaha HIrshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta muuqaalka foggaan aragga ee Internte-ka kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shirka lagaga hadlayo wixii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii bishii May ee ku qotomay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ka qaybgalka Madaxweynaha Hirshabelle ee shirka ayaa ku soo aadaysa, xilli Axaddii ay Hirshabelle qaadacday shirkaasi, ka dib markii ay ku andacootay inaanan lagala tashan.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu ka garaabay cabashadii Maamulka Hirshabelle, waana tan keentay in Madaxweynahoodu ka soo qaybgalo shirka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay howlo shaqo u joogay dalkaasi Turkiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com