Militariga Itoobiya oo isaga baxay Mekelle iyo TPLF oo la wareegtay

Dowladda Itoobiya ayaa xabad joojin hal dhinac ah uga dhawaaqday gobolka ay muddooyinkii ugu dambeysay dagaaladu ka socdeen ee Tigray.

Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay xabad joojinta ka soo yeertay Xukuumadda Addis Ababa.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa marar badan ka hortimid baaqyadii caalamiga ahaa ee looga dalbanayay xabad joojinta.

Xoogaga Ururka TPLF ayaa gudaha u galay Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigray, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidamada Militariga.

Qaar ka mid ah dadka reer Mekelle ayaa isugu soo baxay wadooyinka, iyagoo markaasi u dabaaldegaya ka bixitaanka Ciidamada Federaalka ee magaaladaasi iyo dib ugu soo laabashada TPLF.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa daba-yaaqadii bishii November ku dhawaaqday inay si buuxdo ula wareegtay gacan ku haynta Gobolka Tigray, ka dib dagaal dhowr toddobaad socday.

Dagaalka ayaa mar kale toddobaadkii hore ka soo cusboonaaday Gobolka Tigray, iyadoona TPLF sheegtay inay qabsatay dhowr magaalo.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay, tan iyo markii ay Militariga Itoobiya gulufka ugu dhaqaaqeen gobolkaasi dhaca waqooyiga Itoobiya. Dhinacyada ayaana lagu eedeeyay inay gaysteen dil wadareedyo iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com