Shirka Golaha Wadatashiga oo maalintii 1aad uu soo geba-gaboobay

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa goor dhow ka warbixiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoona diiradda lagu saarayo wixii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii May.

“Waxaa maalintii 1aad soo geba-gaboobay shirkii ay lahaayeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliyeed, oo ay ka qaybgelayeen Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Madaxda waxa ay ka wadahadlayeen oo ay ku kala warqaadanayeen muddadii bilka ahayd ay kala maqnaayeen waxyaabihii qabsoomay ee doorashada la xiriira, horumarada la sameeyay iyo sidoo kale haddii ay jireen caqabado ku horgudbanaa shirka ama in laga gungaaro xilligii doorashada. Maanta dhinacyada oo dhan runtii si saraaxad leh ayay uga doodeen.”

Macalimuu ayaa intaa ku daray “Shirku wuu sii soconayaa maalinta berrito ah, haddii Eebe idmo, waxaana laga wadahadlayay sidii loo dardargelin lahaa arrimaha doorashooyinka, waxaana loo xilsaaray Guddigii Doorashada ee Ra’iisal Wasaaruhu u qabtay inay ka soo shaqeeyaan dhinaca farsamada, oo ay soo dhiraan-dhiriyaan qorsheyaashooda, berri ayaana la dhageysanayaa.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com