Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho (SAWIRRO)

Shirka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shirka lagaga hadlayo wixii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii bishii May ee ku qotomay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ka furmay Muqdisho. Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo howlo shaqo u joogga dalka Turkiga ayaa shirka kaga qaybgalay muuqaalka foggaan aragga ee Internte-ka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com