Xasan Sheekh oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Wisil (SAWIRRO)

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa maanta isbitaalka ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug.

Dadka ay dhaawacyada darani ka soo gaareen weerarkaasi ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, iyadoona xaaladooda lagula tacaalayo Isbitaalka Digfeer.

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ugu baaqay in loo midoobo ciribtirka Al Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha waxaa uu ku sheegay inaanan la aqbali karin in cadowgu laayo shacabka.

“Waxaan shacabka, masuuliyiinta heer gobol & federaalba ugu baaqayaa in loo midoobo ciribtirka argagixisada. Lama aqbali karo in cadowgu laayo shacabkeena. Eebbe ha u naxariisto muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii Wisil, bogsasho degdeg ahna ha siiyo dhaawacyada.” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com