Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa maanta safar dhinaca cirka ah ku tagay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, isagoona magaaladaasi kulamo kula leh Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada Dowladda & AMISOM iyo qaybaha bulshada.
Gudoomiyaha ayaa Magaalada Marka ku tagay diyaarad Helicopter ah, oo uu leeyahay Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, ka dib markii uu ka ambabaxay Degmada Baraawe.
Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayay caqabado ka haystaan safarada dhinaca dhulka, iyadoo ay adag tahay in degmo illaa degmo kale ay masuuliyiinta isaga gudbaan dhanka dhulka.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan inta badan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose, taasi bedelkeeda Shabaab ayaa maamula inta badan deegaanada hoos-tagga degmooyinkaasi.
Gudoomiye Siidii ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday isku dayo ay maleeshiyada Al Shabaab ku doonayeen inay ku qaarajiyaan.
Siidii ayay dadku ku xusuustaan doorkiisii muuqday, ee uu ku lahaa gulufkii ballaarnaa ee Shaababka looga saaray inta badan degmooyinka gobolkaasi, intii u dhaxeysay sanadihii 2012-2014.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com