Qoorqoor oo kulmiyay Golaha Wadatashiga & M/musharaxiinta (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa caawa kulan casho sharaf ah ku kulmiyay Golaha Wadatashiga Qaranka & Golaha Midowga Musharaxiinta, qaarkood.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyne-yaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Sidoo kale casho sharafta ayaa lagu soo martiqaaday xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta, oo laga xusi karo Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo xubin ka ah Golaha Wadatashiga Qaranka ayaan ka qaybgelin kulankan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com