RW Rooble oo magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixraacaya heshiiskii 27-kii May, sidaoo kalena tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta geedi-socodka doorashada ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Xubnaha Guddiga ee uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka kooban Dowlad Goboleedyada, oo aysan ku jirin Jubbaland.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland

Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed
Aadan Cismaan Xuseen, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com